OGAS
MUSTAFE MOHAMAD IBRAHIM
Marka la qabto ugaaska ee la wareejiyo laguna duceeyo ayaa reerkii uu ka dhashay lagu soo celin, loona sheegi in ay ka ilaaliyaan baylahda muddada laga maqan yahay oo karaamadiisa la tijaabinayo. Muddadaasi waa mid la tijaabinayo saamaynta ugaasku ku leeyahay roobka ama barwaaqada, colaadda iyo abaaraha waxaana lagu amri inuuna timaha iska jarin ka hor socdaalka caleema saarka boqrida ee lagu tagidoono Saylac. Saylac baa timaha lagaga jari iyadoo loogu maydhi doono biyo xareed ah. Boqrida ugaaska ciisaha maaha arrin sahlan. Waa mid loo maro jid dheer oo nidaamyo iyo qorshe u gaar ah leh.
Reerkii uu ugaasku ka dhashay ayaa la waydiisan ammaanadii loo dhiibtay ugaaska waa la lugaysiin oo waxaa la marin dhammaan galinada Ciisaha, arrintaas oo looga dan leeyahay in uu ugaasku barto dhamman deegaanka beesha Ciisuhu dago iyo in uu ku duceeyo socdaalkaas barakaysan. Socdaalkani waa mid calaamado iyo astaamo gaar ah leh. Ugaasku wuxuu booqan goobaha taariikheed ee Ciisaha gaarka u’ ah, qabuuraha odoyadii laga tafiirmay Maqaamyada muhiimka ah iyo 12 ka Dixood ama Geed ee xeerka Ciisaha ku qeexan. Dix walba ama galin walba uu ugaasku booqdo waa lagu soo dhawayn, waa loo ciyaari waxaana la ururin sabeentii ugaasku xeerka u lahaa.
Marka socdaalka barashada deegaanka Ciisaha ay gabagaboowdo waxaa la gali socdaalkii boqridda ugaaska ee lagu tagayay Saylac. Goobaha la siimarayo ama la mari jiray waxaa ka mid ah Habaqo, Geel Case ama Siti, Biyo Qaboobe, Biya Baxay, Meeta, ugaas lagu baqor, Xasan Gaddiidshe, Ashkir Xagaa, Selel,Biyo Caanood,Toqoshi iyo Saylac. waxaa hubaal ah in 12 kii dixood ay ku soo biireen kuwa kale oo la nabadeeyay ama ka dheer meel uu cadaw ka soo weerari karo Ciisaha. Waxayna tahay ama qasab ah in ugaaska la qaban dooni uu socdaal ku soo maro dhamman deegan ka Ciisaha. Dixaha ku soo biiray ciisaha waxaa ka mid ah Lalibala, Caydoora, Casbuli, Dhagaray,Gablalu, Dahawi, Cundhufo, Cadaytu, Karaaba, Cali Jiir, Afcase, Butuji,Geed Ugaas iyo Jabuuti. Boqrida ugaasku waxay ka dhici doontaa Saylac oo caado u ah. Marka ugaaska la keeno Saylac, waxaa lagu soo dhawayn ciyaarihi dhaqanka oo halkaas waxaa laga muujiin farxad gaar ah. habeenkaas ayaa ugaaska la bariin Saylac. Maalinta labaad ciyaarihii way sii soconidoonaan hasa ahaatee salaadda duhur dabadeed, ugaaska waxaa laga xiiri timaha oo waxaa ka xiiri siday caadadu ahayd nin Sacad Muuse ah oo reer Makaahiil ka sii ah.
Dabadeed waxaa ugaaska la gayn Maqaamka Ibrahim Saylici halkaas oo xafladda bogriddu ka dhicidoonto. Waxaa halkaas ka dhici duco wayn. Maro 9 waar ah ayaa
ugaaska lagu duubi ayadoo laga dhowrayo inay taabato dhulka isla markaana ay ducadu hareer socoto.
Marka ducadaas dheeri dhamaato waxaa ugaaska la gayn xeebta. Wuxuu ku maydhan biyaha badda. Ugaaska waxaa loo xidhi dhar cusub waxaana loo dhiibi cimaamad .Waxaa cimaamada uu dhiibi nin Wardhiiq Reer Yeesif reer Geedi Cali ah. Ugaasku cimaamadda ayuu xidhan wuxuuna noqon ugaaskii 19 aad ee taarikhda ugaasyada Beesha Ciise.
Soo laabadka ugaaska
Safarka soo laabadka ugaaska waxaa loogu horaysiin in lagu marti galiyo reer Sacad Muuse, reer Guulane, reer Axamed ah. Waxaana loo lisi hasha “GODO” reerka labaadi wuxuu noqon reer Dhabac reer Saciid ah – waxaana loo lisi saca “LEEFA”. reerka saddexaad waxaa la sheegaa Walaaldoon reer Kote iyo Wardiiq reer Yeesif, reer Sarardoon ah. Waxayna u lisayaan laxda “ DHARO’’. Socdaalka soo noqoshada ugaaska iyo goobaha la soo marin doono waa mid odoyada galbinaya ugaaska ay go’aan ka gaadhi doonaan sidoo kale meesha ama goobta xarruunta looga dhigi ugaaska waa arrin odoyada u taal in kastoo ay noqoni doonto meel badhtame ah.
Marka Saylac laga soo baxo waxaa la soo mari Ceel Gaal ,Selel halkaasaa laga bilaabi ururinta sabeenta “Badhicade” iyo ciyaaro dhaqameed aan kala joogsi la hayn. Xoolaha ugaaska loo uririyo waxaa loo dhiibaa reerka Fuurlabe. Waxaa laga soo noqon jiray Selel,Biyo Qaboobe, Biyo Canood, Biya Baxay… Xoolaha la ururiyo qaar waa lagu
sadqayn, inta hadhayna ugaaska ayaa lagu dajin oo reer looga dhisi.
Guurka ugaaska
Ugaaska waxaa loo dhisi socdaalka soo laabadka. Waxaana looga dhisi Yonis Muse, oo reer Geedi ah. Waxaa loo dhisi gabadh bilcan ah, xil-kas ah oo bilicley ah.
Wax barashada ugaaska
Waxaa la bari:
- Xeerka Ciisaha
- Taariikhada Ciisaha
- Xidhiidka Ciisaha iyo dariskiisa
- Dhaqanka iyo Abtirsiimada Ciisaha
- Deegaanka Ciisaha iyo Maqaamyada Barakaysan
Xil ka qaadis Ugaas
- Xil ka gaadista Ugaas ku waxay dhacdaa marka khayrkii laga filaayay ugaaska laga waayo.
- Haddi deeganka ciisuhu yaalo soo food sarto abaaro isdabajoog ah,roobab xad dhaaf ah iyo cuduro lagu wiiqmo.
- Sidoo kale marka nabada ugaasku wax ka qaban waayo ee khilafaad ku bato mid doceed iyo ku dibadeed ayaa layswaydiiya xil ka qaadista ugaas.
- Guddi odoyaal oo ka kooban dixaha ciisuhu ku noolyahay ayaa gorfaysa arinta xilkaqaadista ugaas.
- Haddi laysku afgarto, waxaa lagu amri nin wardiq reen yesif, reer Geedi Cali ah in uu ka tuurro cimamada. Nidaam kaas ayaa Ugaas lagu Casila ama Xilaka looga qaadaa
ليست هناك تعليقات:
إرسال تعليق